Ander Herrera Oo Ka Hadlay Wararka Barcelona La Xidhiidhinaya, Miyuu Heshiis Cusub Oo Qaali Ah Uu United U Saxiixi Doonaa?

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jul 16, 2017

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Manchester United ee Ander Herrera ayaa meesha ka saaray in uu wax dalab ah ka helay kooxda dalkiisa Spain ee Barcelona wuxuuna si cad u sheegay in Man United uu ku faraxsan yahay isla markaana si wayn loo qiimeeyay. Ander Herrera ayaa hoos u dhigay wararkii la xidhiidhinayay Barcelona.

Waxa kale oo soo baxay faah faahinta heshiis cusub oo la sheegay in Ander Herrera uu u saxiixi doono kooxdiisa Manchester United. Wargayska  Daily Star Sunday ayaa maanta faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiska cusub ee ay Man United doonayso in ay ka saxiixato Herrera.

Wuxuuna Wargayska  Daily Star Sunday shaaca ka qaaday in Manchester United ay wado qorshe ay Herrera kaga saxiixanayso heshiis cusub oo afar sano ah kaas oo uu ku noqon doono mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan kooxdeeda.

Herrara ayaa la sheegay in heshiiskan cusub uu usbuucii ku qaadan doono £200,000 kun oo gini iyo waliba lacago dheeraad ah oo gunooyin ah. Guud ahaan Ander Herrera ayaa muddada uu socdo heshiiskiisa cusub waxa uu Manchester United ka qaadan doonaa  £41.6 milyan oo gini waana heshiis la doonayo in xiisaha Barcelona meesha looga saaro.

Kadib markii ay Manchester United 5:2 ku garaacday kooxda Los Angeles Galaxy ayuu Ander Herrera si kooban u beeniyay wararka Barcelona la xidhiidhinaya wuxuuna yidhi: ” Wax xaqiiq ahi kama jirto Barcelona, sababtoo ah anigu waxaan aad ugu faraxsanahay United. Sidoo kale waxaan dareensanahay in qiimo la iiyeelay iyaga ayaanan diirada saarayaa”.

Iyada oo Wayne Rooney uu Manchester United ka baxay isla markaana uu kabtanka cusub ee Michael Carrick uu 35 sano jir yahay oo aanu doorasho toos ah markasta u noqon karin Mourinho, ayuu Herrera ciyaartoy aad muhiim u ah ka noqonayaa Manchester United waana sababta heshiiska qaaliga ah loogu abaal marin doono.

Ander Herrera ayaa ah mid si buuxda u galay quluubta jamaahiirta Manchester United inkasta oo uu waqti adag u soo maray xaalada fiican ee uu Manchester United kaga jiro. Mourino ayaa doonaya in khadka dhexe ee kooxdiisu uu ku soo xoojiyo  Nemanja Matic  balse Chelsea ayaan doonayn in Matic uu Old Traffrod kula midoobo Mourinho.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments