Álvaro Morata Oo Qarka U Saaran In Uu Qayb Ka Noqdo Kacaanka Ay Mulkiilayaasha Ree China Ka Wadaan AC Milan Iyo Blues Oo Markale Seegaysa Morata.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Kooxda laga yaaban yahay xagaagan ee AC Milan ayaa talaabo u jirta in ay Alvaro Morata ka dhigto mid ka mid ah saxiixyada ugu muhiimsan ee ay xagaagan samaynayso iyada oo mulkiilyaasha ree China ay AC Milan ku soo darayaan ciyaartoy tiro badan oo aad muhiim ugu noqon doonta xili ciyaareedka cusub. Madaxa fulinta AC Milan ee  Marco Fassone ayaa ayaa sidii aanu shalay idiin soo gudbinay xaqiijiyay in Alvaro Morata uu ka mid yahay xidigaha ay doonayaan.

Laakiin wararka laga helayo warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in Alvaro Morata uu hadda hal talaabo u jiro in uu ka mid noqdo mashruuca AC Milan-ta cusub. Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa cadeeyay in AC Milan ay talaabo u jirto in ay Alvaro Morata kala soo wareegto Real Madrid.

AC Milan ayaa Real Madrid jeebka ugu shubaysa 70 milyan oo euros halka ay Alvaro Morata ku soo xero galinayso heshiis qaali ah isaga oo sanadkii mushaar ahaan u qaadan doona 10 milyan oo euros maadaama oo aanu ka ciyaari doonin Champions Leaque-ga, balse waxa ugu muhiimsan ayaa ah in uu helo fursad uu si joogto ah ugu ciyaaro si uu koobka aduunka booskiisa Spain uga raadsado.

Manchester United iyo Real Madrid ayaa qiimaha Alvaro Morata ku heshiin waayay waxayna Red Devils ugu danbayn u leexaday Romelu Lukaku balse Chelsea ayaa loo arkayay in ay tahay kooxda xigta ee Alvaro Morata la soo wareegi karta laakiin AC Milan ayaa hadda ah kooxda u muuqata in ay Morata dib ugu soo celinayso horyaalka Serie A.

Laakiin sidoo kale AC Milan ayaa haddii ay saxiixa Alvaro Morata waydo waxay isha ku haysaa saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo isna doonaya in uu Germany isakga baxo. Real Madrid ayaa u furan in ay Morata iska iibiso kadib markii uu u cadeeyay in uu baxayo.

Iyada oo sanadka soo socda ee 2018 uu dalka Ruuska ka furmi doono koobka aduunku, ayuu Alvaro Morata iyo ciyaartoy kastaaba doonayaa in uu si joogto ah u ciyaaro si uu boos uga heli karto xulka qarankiisa, laakiin AC Milan ayaa haddaba soo jiidanaysa ciyaartoyda ka tirsanayd kooxo Champions Leaque-ga ku jira wuxuuna Bonucci ugu baaqay in Morata uu AC Milan markale kula midoobo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments