Alvaro Morata Oo Durba Walaac Ka Muujiyay Kulanka Barcelona: “Messi Lama Celin Karo, Waa Inaan Difaac Ciyaarno Si Aan Natiijo Fiican U Helno”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa saaxiibadiisa kooxda uga digay inaan la celin karin Lionel Messi, marka ay isbuuca soo aadan labada kooxood ku kulmaan garoonka Stamford Bridge lugta koowaad wareega 16-ka Champions League.

Labada kooxood waxey dhawr jeer isku arkeen wareegyada bug baxda ee koobka, sidoo kalana Lionel Messi ayaa wajahay Blues tiro sideed jeer ah, balse nasiib xumo shabaqooda ma gaarin, 29-kubad ayuu goolkooda la eegtay midna shabaqa ma galin waana kooxda uu rikoorka ugu xun ka heysto.

Ernesto Valverde kooxdiisa waa mid hawada ku socota, Morata ayaana fahamsan iney kasoo bixi karaan balse waa iney ugu yaraan sameeyaan hanaan difaac oo ku dhisan awood iyo xawaare.

“Messi lama celin karo” ayuu yiri Alvaro Morata oo la hadlayay Movistar+

“Hadii aan halkaan ku heleyno natiijo fiican, waa inaan ciyaarno kulan difaac ah xawaarana leh isla markaana aan isku dayno inaan dhibaateyno sida ugu badan ee macquulka ah”

Kulanka lugta hore waxaa 20-ka February lagu ciyaari doonaa Stamford Bridge, halka lugta labaad 14-ka Maarso lagu ciyaari doono Camp Nou.

23 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. samiir 14-02-2018 at 3:09 pm -

    hhhhhhh well morata ruunta iyo sheegay balsee nin liibax aqoon iyaa lax kariido bssto ninkaa messi yidhii wan xidhii waaa nin libax lax wan kariidiyidhii

  2. Yahye chocar 14-02-2018 at 3:05 pm -

    Ar daya ragan leh chelsea badinaysa hhhh
    War saxiibayal waa lahubaa iney barcelona badineyso ee maxd isla sii walwalaysan mida kle messi waad taqanin awooda iyo khibrada uu leeyahy 100% iney wanaagsan tahey markaas idinkuna soo bar bardhigaysan eden hazard lagama yaabo iney badiso chelsea sababtoo ah wxa la ciyaraysa kooxda dunida ugu fiicn ee FC Barcelona sanadkan anagaa iska leh champion league
    Guul Barcelona

  3. Cawil 14-02-2018 at 1:20 am -

    mesi in badan buu chelse ka horyimi wax guula kama gaadhin inuu shabaqa chelse gool gaadhsiiyo xitaa rigoore loo dhig ciyaarta 20 bisha dhacaysana chelse 2.barca 0

  4. hazrad 14-02-2018 at 12:58 am -

    guul chealsea anagu hadaanu nahay chealsea waanu naqaanaa sida laysaga celiyo barcelona ama aan liidano ama aan xawaare ku socono iskena stanford

  5. Abdirizak 13-02-2018 at 8:48 pm -

    Hhhh waar messi ma hazard ayuu ka weyn yahay waar hazard naadiga haystaa uma baahna ciyaartoy kale azhaapta

  6. jimcaale 13-02-2018 at 8:21 pm -

    Tottenham caawa guul juvantus afkaan ciidda udareynaa insha allah

  7. moha 13-02-2018 at 6:48 pm -

    abdullahi SubxanaAllah erey GAF ah bd ku hadashy Illaahay u towbadkeen wllhi somalida wax walpa waad ku arki Illaaahow na bad baaadi

  8. moha 13-02-2018 at 6:43 pm -

    anigu ma taageero barcenola lkn kullanka wxn isleeyhy way badin markan eego xlda ay k jirto blues marka ay wadford home kgu garaacdo ma majucsida kubbada cagta iyo macalin intiest bd celin karta waa wax aan caqli gal ahyn anigu hadaan ahy taageere real mardrd iyo man utd waan jclhy in Chelsea badiso lkn umalayn myo in suurtoobayso lkn LMA filaan bn sugyaa maadama kubbada cagtu thy cadaan iyo madow

  9. Abdullrashiid 13-02-2018 at 6:42 pm -

    Waxaanan ka war warsanay waxaa jira kulanka Barcelona anaga iyo Barcelona waa is naqaan

    C’mon Chelsea football club

  10. Abdullahi 13-02-2018 at 6:38 pm -

    Chelsea illahey ee qabtaa waa liisku ingaaraa Messi hakaa soo horjeesto

  11. mahad dacad 13-02-2018 at 6:23 pm -

    runtii aad baan oga xumahay labada teamba waan taageeraa lkn guusha barca ayan la jeclahay sababtoo ah barca hadii la reebo chealsea awood fcn malahan tiimam waaweyna wey ka dambeeyaa marka barca ayan jeclahay iney badiso wan nisalamay lacibnet

  12. Mohamed youssef 13-02-2018 at 6:05 pm -

    Kubadu waa bar cad iyo bar madow wax walba way dhici karaan guul chelsea

  13. Mohamed youssef 13-02-2018 at 6:00 pm -

    Hadii aan fikirkayga ka dhiibto waxan ahay anigu taageere chelsea ah runtii kulan kaasi waa kulan adag kubaduna waa bar cad iyo bar madow Barcelona waxay kujirtaa xili ciyaareed fcn messi na waa ciyaaryahn fantastic ah waxaanu isku dayi doonaa inan joojino kubad weerar iyo dufaac kudhisana aanu so bandhignaa runtii waxan qabaa hadii aanu Barcelona kubada la qaybsano in aanay naga badin karin lkn hadii ay kubada naga haysato anaguna wax weerar ah la iman wayno waa nalaga badinayaa conte waa inuu shax fcn laso shirtagaa cahil iyo bakayoko labadana waa inuu iga reebaa guul chelsea

  14. isma 13-02-2018 at 4:48 pm -

    ma waxaa isku qanci kartaa Messi oo kaa soo horjeedo in aad iska dhahdo waa garaacaa barca nasiinkiinaa cineesiin sorry

  15. khaliif 13-02-2018 at 4:26 pm -

    Weynu arkanaa sida ay noqon doonto wakhtiga lago aamiyey iyo xiligii ay kalahari lahaayeen labadan kooxood. Xaqiiqdii chalsea waxey horyaalka dalkeeda kaga jidhaa kaalmaha 4th walaw hal dhibic looga hayo kaalamahs 3th waxaa xusid muden iney xili fiican kujidho ama qaab ciyaareed wanaagsan waxeyna heystaan kante,hazard,m alonso ,morota ,febrigas::::: iyo playariin kale oo tayo leh lkn naadiga cadawga ama kasoo horjeeda bluograna (barace) ay dhinaceda kuhaysato xiliciyaareed fiican. Lkn weynu sugi doonaa kulamada noo iman doona ee chalsea vs barcelona labadeeda wareeg 16th champions,..::::

  16. shaafici 13-02-2018 at 4:20 pm -

    Barcelona Hais Keento Waxay Naga Heshoh Yeysan Wax Naga Siin

  17. Maxamed abdi 13-02-2018 at 4:08 pm -

    Chelsea wataqana messi xasuus 2012kii

  18. Maxamed abdi 13-02-2018 at 4:05 pm -

    Wa kutageraya fikirka morata Chelsea lama qebsankarto kubada taas wa ogahay wa in lalla ciyaar diyaar adag

  19. Hussein Somali 13-02-2018 at 3:55 pm -

    hhhh waanu arki dooona messi haduu mucjiso uu yahay

  20. beerdilaacshe 13-02-2018 at 3:51 pm -

    messi tashkiiladaha kubadda ayuu sameen kuyeeshaa

  21. maame 13-02-2018 at 3:32 pm -

    wlhi runtii waaye morata wayo runta ragga kama nixiso baa kayiri war messi hadii ay 11 kaba boortaha galaan wu ka dhalinaaya runti wyo wa khabiir kubada taaarikhd o dhan marka messi wa mucjizo kale wa qof Adduun kale ka yimi wa player Runtiii indhaha qofksta ku jira

  22. maame 13-02-2018 at 3:26 pm -

    pls waxad soo qortaan waxkastoo ku saabsn ciyarta cawa real psg

    • mohamed 13-02-2018 at 4:37 pm -

      real vs psg cawa maha Pro waa haben dambe