Alvaro Morata Oo Aroos Si Qurux Badan Loo Agaasimay Ku Dhigtay Venice Xilli Si Ba’an Loola Xiriirinayo Chelsea & Man United.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Alvaro Morata ayaan wali ka hadlin wax la xariira mustaqbalkiisa kubadda cagta iyadoo si ba’an loola xiriirinayo Manchester United & Chelsea, balse wuxuu farxad la qaatay gacalisadiisa Alice Campello.

Sida reer galbeedka ay aaminsan yahiin isbuuc dhamaadkaan [shalay oo sabti ah] ayuu xidiga reer Spain ku aqal galay Venice oo ku taala waqooyi bari dalka talyaaniga waana magaalo qurux badan oo kulmisa jasirado yaryar kuwaas oo ay isku xiriiriyaan buundooyin iyo biyo-mareenno.

Arooska Alvaro Morata waxaa lagu casuumay 400 – qof, balse nasiib xumo saaxiibkiisa Cristiano Ronaldo kama soo qeyb galin kaas oo u duulay Russia si uu kaga qeyb galo koobka Confederation Cup.

24-jirkaan – wuxuu guursaday Alice Campello, arooskoodana wuxuu ka dhacay goobta la yiraahdo Basilica del Redentore ka hor inta aysan si wadajir ah dooni yar u fuulin si ay ugu soo wareegaan gooba bilicsan ee magaalada.

Alvaro waxaa la rumeysan yahay inuu heshiis la gaaray Manchester United walow aysan labada koox ka heshiinin qiimahiisa, balse warbaahinta Ingiriiska waxey maanta soo wariyeen in Blues ay dhinac kaga jirto loolanka xidigaan.

Blues waxey dooneysaa inuu buuxiyo booska Diego Costa, halka United ay dooneyso inuu buuxiyo booska Zlatan Ibrahimovic.