Alvaro Morata Oo Antonio Conte Dartii U Diidi Kara In Uu Man United Ku Biiro Iyo Chelsea Oo Wali Diyaar U Ah In Ay Morata Ka Afduubo Red Devils.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jun 19, 2017

Dhaliyaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa inuu wax ka badalay go’aankii uu ugu dhaqaaqi lahaa safka kooxda Manchester United, kadib dalabkii ay dhawaan kasoo gudbiyeen saxiixiisa kooxda reer London ee Chelsea, wuxuuna go’aansaday u dhaqaaqista Stamford Bridge halka uu kaga dhaqaaqi lahaa Old Trafford.

Sida uu daabacay wargeyska caanka ah ee reer England ee Daily Mirror ee Alvaro Morata ayaa wuxuu doonayaa in heshiis qalinka uu ugu duugo kooxda Chelsea uu hogaamiyo macalinka reer talyaani ee Antonio Conte si uu ugu dhaqaaqo kal ciyaareedka soo aadan.

Daily Mirror ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay sababihii uu Alvaro Morata kaga door biday u dhaqaaqista kooxda Chelsea dhigeeda Manchester United ay tahay macalinka reer talyaani ee Antonio Conte, maadaama ay kasoo wada shaqeeyeen kooxda Juventus.

Manchester United ayaa xiliyadii lasoo dhaafay oo idil si xoogan lala xidhiidhinayay inay gacanta ku dhigi doonto saxiixa 24 jirka kooxda Los Blancos, kadib markii ay kooxda reer England iska fasaxday dhaliyaheeda reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, xili booskan uu haatan ka banaan yahay kooxda Jose Mourinho.

Real Madrid ayaa la sheegay in ay hakad galin karto bixitaankii Alvaro Morata ka hor inta ay kala ogaanayso xaalada Cristiano Ronaldo kaas oo sheegay in uu iskaga baxayo Bernabeu kadib kiiska dacwadeed ee maxkkamada Spain looga soo oogay in uu cashuur lunsaday.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments