Allegri: Waan Hubaa In Cristiano Ronaldo Gool Ka Dhalin Doono Sassuolo

Tababaraha Juventus waxa uu aamisan yahay in Cristiano Ronaldo uu gool ka dhalin doono kooxda Sassuolo maanta.

Cristiano Ronaldo wali gool kama dhalin horyaalka isaga oo dheelay saddex kulan.

“Cristiano si fiican ayuu u shaqeeyey waxaana qabaa in uu dhalin doono,” sidaas waxa daaha ka rogay tababaraha kahor kulanka.

“Intaa ka badan fili maayo, iyo wax ka yar intii uu sameeyey saddexdii kulan ee ugu horreeyey.”

Allegri waxa uu sheegay in Ronaldo aad u muuqday oo uu kooxda u caawinayey walow uusan gool dhalin.

Intaas waxaa dheer, Allegri waxa uu sheegay in Ronaldo u qalmo laacibka ugu wanaagsan FIFA oo ay kula tartamayaan Luka Modric iyo Mohamed Salah.

“Iyada oo aan mudnaanta la dhaafineen Modric, waxaan qabaa in Cristiano u qalmo jaa’isada marka la eego wixii uu sanadkii hore Real Madrid u sameeyey,” waxa uu ula jeedaa 15kii gool ee uu Europe ka dhaliyey si ay u qaado Champions League-gii 13-aad.