Alexis Sanchez Oo Sheegay Inuu Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Laakiin Ma Ahan Mid U Roon Dhegaha Jamaahiirta Arsenal

by Saed Balaleti | Sunday, Jul 16, 2017

Weeraryahan Alexis Sanchez ayaa niyadjbiyay jamaahiirta Arsenal isagoo sheegay inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa islamarkaana uu doonayo inuu ciyaaro koobka Champions League.

Laakiin xiddiga reer Chile oo qeyb ka ahaa kooxdii Gunners ee seegtay u soo bixitaanka Champions League ayaa hadalkiisa raaciyay: “Go’aanka aniga kaliya iguma xirna. Waxaan u baahanahay inaan sugo Arsenal.”

Sanchez oo 28 sanno jir ah ayaa yiri: “Aragtideydu waxa ay tahay inaan ciyaaro oo ku guuleysto Champions League. Waxaan ku riyoonayay tan iyo markii aan caruurta ahaa.”

Kooxaha waa weyn ee Yurub sida Bayern Munich iyo gaar ahaan Manchester City ayaa haatan la filayaa inay sarre u qaadaan xiisahooda weeraryahanka Gunners.

Sanchez ayaa saxaafada kula hadlayay magaalada Tocopilla, kaliya maalin ka dib markii tababare Arsene Wenger uu ugu baaqay gooldhaliyihiisa inuu sii joogo kooxda.

Wenger ayaa yiri Jimcihii: “Waxaan kula hadlay fariin qoraaleed, waxaana ay aheyd mid niyadsami weyn leh.

“Afkaarteyda mar walba waa niyadsan tahay. Ma jiraan wax badan oo la xaliyo oo ku saabsan ciyaaryahanka waqti xaadirkaan.”

Tababaraha reer France ayaa muddo dheer saxaafada ka hor sheegayay inuu filanayo in Sanchez uu dhameysto sannadka ugu danbeeya qandaraaskiisa.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments