Alaba, Bellerin, Mkhitaryan Iyo Batshuayi Oo Dhamaan Bixitaan Lala Xiriirinayo Iyo Wargeysyada Iyo Waxyaabihii Ay Ka Qoreen Suuqa Maanta Oo Talaado Ah

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Manchester City maamulaheeda Pep Guardiola ayaa doonaya saxiixa David Alaba, 24, isagoo u diyaar ah inuu ka qarash gareeyo  £40 milyan oo pound saxiixa xidiga Bayern Munich. (Sun)

In loo ogolaado bixitaan xidiga diirada u saaran Barcelona iyo Manchester City  Hector Bellerin ayaa ceeb weyn ku noqon doonta Arsenal sida uu qabo xidiga ay isku kooxda yihiin eeSanti Cazorla. (International Business Times)

Borussia Dortmund madaxeeda fulinta Hans-Joachim Watzke ayaa ku biiritaankii Henrikh Mkhitaryan ee Manchester United ku tilmaamay qariib isagoona sheegay in kooxdiisa aysan marnaba soo ceshan doonin xidiga. (Kicker)

Inter Milan ayaa diyaar ah in badalka Mauro Icardi ay ka dhigaan xidiga Chelsea iyo Belgium ee Michy Batshuayi kaasoo kaliya xagiigii yimid Stamford Bridge . (Corriere dello Sport, via Talksport)

Sunderland milkiilaheeda Ellis Short ayaa ganacsato Chinese ah kala hadlay iney kooxdiisa ku iibsadaan  £150m. (Sun)

Chelsea xidigeed Diego Costa ayaana waxba kasoo qaadin isku dhacii isaga iyo Antonio Conte. (Daily Mirror)

West Brom weeraryahankeeda Saido Berahino ayeey sideed kiilo ku korortay mudadii fasaxa caalamiga ah lagu maqnaa taasoo keentay inuu seego kulankii Tottenham. (Telegraph)

AC Milan ayaa xiiseynaya khadka dhexe ee Chelsea  Cesc Fabregas. (Daily Express)

Madaxa FA-ga ENgland  Greg Clarke ayaa aaminsan iney degdeg ku noqon doonto macalinka Bournemouth  Eddie Howe inuu qabto shaqada England. (Times – subscription required)

Weeraryahankii h--e ee Manchester United Dwight Yorke ayaa aaminsan sababta uusan macalin u noqon iney tahay cansuriyad darteed. (Bein Sports, via Daily Mirror)

 Weeraryahanka Tottenham Son Heung-min ayaa sheegay in weeraryahankii h--e ee Manchester United  Ruud van Nistelrooy uu ku dhiirogeliyay kubada xiligii ay wada joogeen Hamburg (Daily Express)

Like it? Share it!

Leave A Response