ADUUNYO KALE: Qoraal Layaableh Oo Muujinaya Sida Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoydu Uu Aduunyo Kale U Noqday Iyo Xog Aad La Yaabi Doonto.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Xili suuqba kan ka danbeeyo waxa uu sii noqonayaa mid qiimaha ciyaartoydu uu gaadhay heer aan la qiyaasi karin, waxaanad maanta si sahlan u maqlaysaa ciyaartoy da’yar ah oo 100 milyan iyo wax ka badan lagu sheegayo, laakiin waxaanu idiin haynaa qoraal aad layaabi doonto oo muujinaya xili suuq dhan lacagihii ay kooxaha Yurub ugu waa wayni ciyaartoy waa wayn kula soo wareegeen balse maanta haddii ay joogi lahaayeen maba jirteen koox iibsan kari lahayd.

Qoraalka xili suuqii 1996 oo marka dhinac laga eego waqti dhaw ah ayaa muujinaya sida aanla rumaysan karin ee qiimaha suuqa kala iibsigu uu kun jeer jibaarmay. Xili suuqa kasta waxaa meel layskugu keenaa ciyaartoyda lala kala wareegay, qiimaha lagu iibsaday waxaana marka ugu danbaysa la soo saaraa horyaal kastaaba lacagta uu suuqa ku bixiyay.

Laakiin akhristow miyaad rumaysan kartaa in xagaagii 1996 kii ay dhamaan kooxaha horyaalka Ingiriisku ay suuqa ku kharaash gareeyeen 75 milyan oo gini? !!!!!. Waa hubaal in aad yaabtay laakiin qiimahan waxaa ka mid ah ciyaartoyga ilaa hadda haysta rekoodhka gool dhalinta Premier Leaque-ga ee Alan Shearer.

Inta aanan hoos ugu sii degan isla waqtigan 1996 kii waxa horyaalka Talyaaniga suuqa lagu bixiyay 85 milyan oo gini waxaana ciyaartoyda lala kala wareegay ku ku jiray Zinedine Zidane halka isla waqtigan horyaalka Spain uu suuqa ku bixiiyay 128 milyan oo gini waxaana ciyaartoyda aanu idiin soo gudbin doono ee lala kala wareegay ka mid ahaa Rivaldo iyo Ronaldo-hii ree Brazil.

Ciyaartoyga ugu qaalisanaa horyaalka Premier Leaque-ga ayaa ahaa Alan Shearer oo ay kooxda Newcastle United kula soo wareegtay 15 milyan oo gini laakiin xagaagaas dhan muu jirin ciyaartoy kale oo gaadhay 7 milyan oo gini wax ka badan oo suuqa horyaalka Ingiriiska lagula kala wareegay.

 

Horyaalka Spain waxaa ugu qaalisanaa xagaagaas Ronaldo oo ay Barcelona kula soo wareegtay 12.8 milyan gini laakiin muu jirin ciyaartoy kale oo gaadhay 7 milyan oo gini halka horyaalka Talyaaniga uu ugu qaalisanaa Chiesa oo ay kooxda Parma kula wareegtay 10 milyan oo gini halka Zidane waqtigaas ay Juventus kula wareegtay 3.2 milyan gini!!.

Haddaba Akhrsite adigu isha mari ciyaartoydii ay horyaalada Spain, England iyo Italy ay la soo saxiixdeen xagaagii 1996 kii iyo waliba ciyaartoyda magaca wayn ee qiimaha cadayga maanta ah lagula kala wareegay:

Haddii ay maanta joogi lahaayeen Zidane, Seedorf, Ronaldo, Rivaldo iyo Alan Shearer miyay jiri lahayd koox iibsan karin lahayd? Tusaale uga qaado Klian Mbappe oo 18 sano jir ah iyo lacagta waalida ah ee lagu doonayo isaga oo hal xili ciyaareed oo kaliya ismuujiyay oo aan la hubin haddii uu xili ciyaareedka labaad sii wadan karo!! bal adba, aduunyo kale!.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments