302 Kulan Kadib & Toban Sanadood – Lionel Messi Oo Markii Ugu Horeysay Go’aan Tababare Lagu Badalay Iyadoon Ciyaarta Gaarin 60-Daqiiqo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Qeybtii labaad ee kulankii Barcelona iyo Celta Vigo waxey taageerayaasha soo xaadiray Camp Nou marqaati u noqdeen wax aysan taageerayaasha qaar arkin muddo dheer, waanain Lionel Messi uu ka baxo garoonka iyadoon la gaarin 60-daqiiqo – waxeyna ku timid go’aanka tababaraha.

Lionel Messi waxaa la badalay daqiiqadii 59-aad, waxaana soo galay Ousmane Dembele oo si fiican xalay u muujiyay inuu soo rogaal celin fiican smeeyay madama labadii kulan ee ugu dambeysay laga dareemayay inuu xoogaa jahawareer ku jiro.

Lionel Messi oo xilli hore ka baxaya garoonka ciyaar ay kooxdiisa ciyaareyso waxaa ugu dambeysay September 29, 2007, kulan ka dhacay Ciutat de Valencia oo ay wajaheen Levante – tan iyo markaas wuxuu ciyaaray Messi 302 kulan.

Kulankaas Barcelona waxey ku hogaaminysay ciyaarta 4-0, xidiga reer Argentina ayaana lasoo saaray markii uu dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta.

Tababarahii xiligaas Frank Rijkaard ayaa go’aansaday inuu badalo isla markaana keeno Gio dos Santos.

Tan iyo waqtigaas Lionel Messi waxaa la badalay dhawr jeer, balse inta ugu badan wuxuu ku baxay dhaawac soo gaaray.

10 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. miskiin alle 12-01-2018 at 7:29 pm -

    waar yaa ilaahay garanaya waar ciyaarta afar gool la dhaliyey sabab messi ugu sii jiro anigu garan maayo oo koox yar lala ciyaarayo ma inuu murug dilaaco ayaad rabtaa takale messi waa bani adam waana lanasiyey si dembelle fursad losiiyo waxaan u arkaa barcelona waxay heshay tababare wada maskax ah

  2. Cabdalla 12-01-2018 at 6:48 pm -

    Laacib horta waa mahadsan tihiin lkn ciyaarti xalay messi iyo macalinka waa soo wada hadleen waxaana tusaala u ah marka ey kaambiyada ama half timeka kasoo laabanayeen inee wada hadlayeen

  3. Ahmed shuraym 12-01-2018 at 3:28 pm -

    Wan ognahay inu Messi yahay one of the best player su’al Kama tagno Lakin maxay tahay mudnanta gaarka Aad siisan ciyartooyda Barcelona ? Messi lama badilin ciyarto socoto ayad dhahday waxa laga yaba wakhti Gaurdiola Inad kubada kuso biirtay Lkn waxa ku sheegaya ciyartii semi finalka ay Manchester United ay la ciyareyn oo wakhtigas Manchester United ay champions league qaday Ina badil lagu so saray waxana tabar ka aha wakhtigas tababarahii Leo Messi so saray ( frank rechkard ) tarikhdana waxay aheyd April 2008 walina 10 sano biloyin Aya kaga hadhay. Ta kale xalay awood tababari laguma badilin ee ciyarta natijadeeda Aya dhamatay sidas awged Aya loo saray. Ta kale hada fiiriso website yada sport yada oo dhan ma arkeysid ciyartooyin si khasa loga sheekeynayo hada Laciib.net tihin warar badan Aya jira wakhtigas specially January madama u furan yahay transfer ka, so focuse important news.

  4. hamze 12-01-2018 at 3:24 pm -

    messi wu daalay sida daraadeed aya lo badaley wana xaq in la nasiyo

  5. Gâdh Lïpaax 12-01-2018 at 2:51 pm -

    taaha yarayzta waryaah
    nimankan aad ujeedan
    way mutayzteen buunbuunintee

  6. Gâdh Lïpaax 12-01-2018 at 2:49 pm -

    waryaah ninkagas wadhac
    wadhac leh taaha
    yarayzo nimankan aad u
    jeedoh way mutayzteen in
    la macaaneyo oo zonkor
    iyo xawaazhba lagu daro
    hadpa inamada yurup ugu
    muruqyada waawayn waa
    La buunbuuniya dee ader
    markaa xamila kolay waxaad
    tihiin futo xuntii reale

  7. Ahmad 12-01-2018 at 2:03 pm -

    Messi wa nain an lagu dagdagin badal kisa wayo waxad arkaysa inta badan wu dhamesta ciyarta oo idil wan warshad

  8. Ikraan abbas 12-01-2018 at 1:45 pm -

    Hhhh War kale messi ilmaha yar yar lama dagalamo cayartasbe in lagu kala baxay dadka cayaraha yaqan ey arkayen Mida kale dembele cayar qurux badan ow dhelay tas ha hilmamin

  9. Abdi jama 12-01-2018 at 1:22 pm -

    Wan ognahay inu Messi yahay one of the best player su’al Kama tagno Lakin maxay tahay mudnanta gaarka Aad siisan ciyartooyda Barcelona ? Messi lama badilin ciyarto socoto ayad dhahday waxa laga yaba wakhti Gaurdiola Inad kubada kuso biirtay Lkn waxa ku sheegaya ciyartii semi finalka ay Manchester United ay la ciyareyn oo wakhtigas Manchester United ay champions league qaday Ina badil lagu so saray waxana tabar ka aha wakhtigas tababarahii Leo Messi so saray ( frank rechkard ) tarikhdana waxay aheyd April 2008 walina 10 sano biloyin Aya kaga hadhay. Ta kale xalay awood tababari laguma badilin ee ciyarta natijadeeda Aya dhamatay sidas awged Aya loo saray. Ta kale hada fiiriso website yada sport yada oo dhan ma arkeysid ciyartooyin si khasa loga sheekeynayo hada Laciib.net tihin warar badan Aya jira wakhtigas specially January madama u furan yahay transfer ka, so focuse important news.

    • Cabdalla 12-01-2018 at 6:46 pm -

      Abdi jama laguma dhihin wllkey marki ugu horesay dhamaan tartamada ee waxaa lagu dhahay 302 kulan kadib messina wuxuu saftay 302 kulan kabadan marka semi finalki kidib baa laga hadlayaa